WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley Iskaashiga labada dhinac, bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM, iyo taageerada Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka AUSSOM uga warbixiyay horumarka dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo kuwo kale ee ay ku tallaabsatey Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka, Soomaaliyana ay qeyb ka tahay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan xasiloonida iyo horumarka goboWakiilka

Wakiilka ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, isagoo hoosta ka xariiqay in bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM uu waddada u xaari doono in ugu dambeyn, Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto hawlaha sugidda amnigeeda, kuna kalsoon yahay in Ciidamada Qalabka Sida ay waajibaadkaasi si hufan u gudan doonaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...