WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley Iskaashiga labada dhinac, bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM, iyo taageerada Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka AUSSOM uga warbixiyay horumarka dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo kuwo kale ee ay ku tallaabsatey Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka, Soomaaliyana ay qeyb ka tahay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan xasiloonida iyo horumarka goboWakiilka

Wakiilka ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, isagoo hoosta ka xariiqay in bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM uu waddada u xaari doono in ugu dambeyn, Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto hawlaha sugidda amnigeeda, kuna kalsoon yahay in Ciidamada Qalabka Sida ay waajibaadkaasi si hufan u gudan doonaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...