Soomaaliya oo u sharaxan ku biiridda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Date:

Soomaaliya ayaa kuu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee Golahaasi, waxaana bilowday Xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.

Muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaasi, ayaa la sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya khuseeyo.

Waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo, iyadoo muddada labada sano ah ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Maadaama ay ku fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay Dowladda Soomaaliya haddana ku dhawaaqday in ay u tartameyso Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Midowga Afrika, waxaana loo aas aasay in ay ka shaqayso sugidda nabadda, xallinta khilaafaadka, iyo ilaalinta xasilloonida Qaaradda Afrika. Golaha wuxuu u shaqeeyaa sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo mas’uul ka ah qaadashada go’aamo ku saabsan khilaafaadka iyo amniga Afrika, iyadoo ay xaqiijisay musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka, kadib War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah:

Soomaaliya weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taas oo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.

Maadaama ay tahay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay fursad gaar ah oo ay ku hormariso mudnaanta Afrika ee heer caalami.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale leedahay taariikh facweyn oo ku saabsan taageeridda halgamadii xornimada, la dagaallanka midab-takoorka, iyo difaaca madax-bannaanida waddamada Afrika.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in DF ay ka shaqeyn doonto:

In ay horumariso howlaha nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyada oo ka faa’iideysanaysa casharradii ay ka baratay waaya-aragnimadeeda gaarka ah.

In ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee keenaya khilaafaadka si loo abuuro nabad waarta oo qaaradda ka hana qaada.

Iyo In ay dhaqaajiso xoojinta awoodda lagu maaraynayo xaaladaha degdegga ah ee ka yimaada khilaafaadka.

Haddaba waa maxay muhiimadda uu Kursigan u leeyahay Soomaaliya? Muhiimadda uu kursigan u leedahay Soomaaliya ayaa ah in ay door muuqda ka qaadato ajendaha nabadda iyo ammaanka ee Afrika, taasi oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habeynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism-ka; Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aas-aasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taasi oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika.

Aan dib u milicsanno Shaqada Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU:

1:Ka Hortagga Khilaafaadka: Golaha wuxuu qaadaa tallaabooyin lagu xallinayo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka hor inta aysan noqon kuwo halis ah.

2. Dhexdhexaadinta iyo Xallinta Khilaafaadka: Wuxuu u xil-saaran yahay dhexdhexaadinta dhinacyada is haya, si loo gaaro heshiis nabadeed.

 

3: Ciidamada Nabad-ilaalinta: Wuxuu go’aamiyaa in ciidamo loo diro dalalka ay ka jiraan colaadaha, si loo ilaaliyo nabadda.

4: Dabagalka iyo Falanqaynta: Golaha wuxuu qiimeeyaa xaaladaha amni ee Qaaradda Afrika, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda.

5: Ka Shaqeynta Caddaaladda: Golaha wuxuu taageeraa tallaabooyin lagu xaqiijinayo caddaalad iyo isla xisaabtan.

Haddaba sidee loogu tartamaa Kursigaan?

Tartanka Golaha waxaa ka qaybqaata dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, waxaana loo tartamaa sida soo socota:

Shuruudaha Musharraxiinta:

1:Xubinimada Midowga Afrika: Dowladdu waa in ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Afrika.

2:Xasiloonida Gudaha Dalka: Dowladdu waa in ay ku jirto xaalad xasiloon oo aan laheyn khilaafaad gudaha ah ama mid dibadeed oo culus.

3:Taageeridda Nabadda iyo Amniga: Dowladdu waa in ay soo bandhigto taageerada iyo ka-qaybgalka mashaariicda nabadda ee Afrika, sida ciidamo nabad-ilaalin ah ama taageero dhaqaale.

4: Maalgelin iyo Firfircooni: Dowladdu waa in ay bixiso waajibaadka dhaqaale ee Midowga Afrika, isla markaana ay ka mid noqoto dowladaha firfircoon ee u adeegaya Qaaradda.

Habka Doorashada:

1:Kursiyo Joogto ah iyo Kuwo Wareegaya: Golaha waxaa ka kooban 15 xubnood, oo 5 ka mid ah yihiin kuwa joogto ah (oo seddex sano kursiga haysta) iyo 10 kursi oo aan joogto ahayn (oo laba sano kursiga haysta).

2:Xulashada Gobolka: Xubnaha waxaa loo qeybiyaa si gobollada Afrika ay u helaan matalaad loo siman yahay (Bariga Afrika, Galbeedka Afrika, Koonfurta Afrika, iwm).

3:Codeyn: Golaha Wasiirrada Midowga Afrika ayaa u codeeya musharraxiinta ka socota dowladaha kala duwan. Dowladaha helaya codadka ugu badan ayaa ku guuleysta kuraasta.

Ololaha Musharraxiinta:

1:Xiriirka Diblomaasiyadda: Dowlad kasta oo u tartamaysa kursi waxay sameysaa olole diblomaasiyadeed oo ay ku kasbaneyso taageerada dalalka kale.

2:Soo Bandhigida Taariikhda Guulaha:

Musharraxiinta waxay muujiyaan doorkooda hore ee nabad-ilaalinta, amniga, iyo taageerada Midowga Afrika.

3:Isbahaysi Siyaasadeed: Dowladuhu waxay la sameeyaan isbahaysiyo dowlado kale si ay u helaan codad badan.

Golaha Nabadda iyo Amniga waa mas’uul muhiim ah oo kaalin weyn ku leh sugidda nabadda Afrika, waxaana u tartamaya dowladaha doonaya inay qayb ka noqdaan xallinta dhibaatooyinka Qaaradda.

Tartanku wuxuu ka dhigan yahay fursad dowladuhu ku muujiyaan doorkooda hoggaamineed ee dhanka amniga iyo nabadda ee Qaarada Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda dalladaha ururrada bulshada rayidka

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Israel oo duqeymo ka geysatay Yemen, Lubnaan iyo Gaza

Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa saacadihii u dambeeyay...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday 

1- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta...

Ciidanka Hey’adda NISA oo qaaday 16 Jidgooyo oo yaalay Hiiraan iyo Gaalgaduud

Ciidanka Hey'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa ku...