Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Habka Ciqaabta

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, kuwaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Kulanka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira horumarka laga sameeyay dhinacyada diblomaasiyadda, xiriirka caalamiga a, amniga, iyo dhaqaalaha dalka.

Xeerka Habka Ciqaabta Hindise sharciyeedka Xeerka Habka Ciqaabta ayaa muhiim u ah dhismaha nidaamka cadaaladda ee dalka, wuxuuna ka mid yahay tallaabooyinka lagu xoojinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta nidaamka garsoorka ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, taasoo la beegsaneysa kordhinta xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...