Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Warfaafinta

Date:

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Mudane Saalax Jaamac ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee waaxyaha Wasaaradda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Idaacadda Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka warbixin ka siiyay shaqada socota ee Warbaahinta Qaranku ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u heyso.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Warbaahinta Qaranka la hadlay markii uu soo gabagabeeyey kormeerkii uu maanta ku yimid Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Madaxda Wasaaradda oo Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ugu horeeyaan iyo dhammaan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku amaanay ugana mahadceliyay shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...