Waxaa maanta Salaadda Janaasada (AUN) lagu dukaday Askartii ku lagu dilay degmada Ceelbaraf, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil milateri, ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada, taasoo lagu tukaday Askartii dhawaan lagu dilay Ceelbaraf.
Waxaa sidoo kale ka qeybgalay aaska oo sameeyay Askartaas,Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ,masuuliyiin kale iyo duubabka dhaqanka, ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada AUN askartii dhawaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Askartaan ayaa dhawaan iyaga oo maraya degaan hoostaga degmada Ceelbaraf waxaa jidka u galay kooxa mannaxayaal ah oo dad qalato ah, kuwaas oo halkaa ku dilay,waxana Maxkamadda Ciidanka ay u jartay waaran soo qabasha ah dadkii ka dambeeyay dilkaa foosha xun si sharciga loo horgeeyo.