Wasiirka Amniga oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Cismaan (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka. Wasiirka ayaa ku boorriyey dhinacyada isku haya colaadaha in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay doorbidaan nabadda iyo wada hadalka.

Jeneraal Fartaag ayaa sheegay in dagaallada sokeeye ay dib u dhac ku keenayaan horumarka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu ugu baaqay waxgaradka, culimada, iyo odayaasha dhaqanka in ay ku dhaqaaqaan dedaallo lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhiirri-gelinayo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Amniga ay ku howlan tahay qorshayaal lagu taageerayo heshiisiinta iyo ilaalinta amniga. Waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa colaadaha si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada noolaadaan nabad iyo walaaltinimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...