Hay’adda SoDMA oo gargaar loogu tala galay in ka badan 13,000 oo qoys u dirtay Galmudug

Date:

Roobabki Dayrta ee la filayay in ay da’aan bilihii Sebtembar, Oktoobar iyo Nofembar oo baaqday ayaa sababay abaar saameysay inta badan gobollada dalka oo hore ula daalaa-dhacayay dhibaatooyinka ka dhasha dhacdooyinka cimilo ee soo laalaabtay.

Degaannada Galmudug, gaar ahaan Gobolka Galgaduud, wuxuu qeyb ka yahay goobaha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, halkaas oo kumannaan shacab nugul ah ay ku wajahayaan nolol adag oo u baahan jawaab aan daah lahayn.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabeysa baahida bulsho ee guud ahaan gobolka iyo goobaha laga xoreeyay argagaxisada ayaa diyaarisay gargaar bani’aadannimo kaas oo 25 gaari oo xamuul ah maalmaha soo aaddan looga qaadi doono keydadka hay’adda ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa gargaarkaan oo loogu tala-galay in ka badan 13,000 oo qoys ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ay wehliyaan wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Dowladaha Shiinaha iyo Turkiga kaga mahad-celiyay deeqdaan oo ay ugu tala-galeen in Dowladda Soomaaliya gaarsiiso dadka nugul, isagoo madaxda iyo shacabka Galgaduud ugu baaqay in gargaarkaan bani’aadannimo wadajir loogu hubiyo gacmaha dadka duruufaha nololeed heystaan ee loogu tala-galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...