Shirka Amniga Qaranka oo warbixin la xiriirta caqabadaha Beeraleyda looga dhageystay Wasiir Maareeye

Date:

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobadii lagu soo bandhigay shirka Amniga Qaranka ay qeyb ka ahayd caqabado heysta Beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid tahay isbaarooyin sharci darro ah oo lacaga looga qaado.

Mudane Xuseen Macalin la taliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinno muhiim ah looga dhageystay shirka oo lagu casuumay Wasiirka Beeraha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaas oo soo bandhigay xaaladda dhibta ah oo ay ku jiraan beeraleyda Shabeelooyinka, isagoo sidoo kale la wadaagay Golaha Amniga Qaranka sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah.

Lataliyaha ayaa sheegay in Wasiirka uu soo bandhigay saameynta dhaqaale ee wax-soo-saarka dalka ku yeelan karto hadaan xal loo helin caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudane Xuseen Macalin La taliyaha Amniga Qaranka,ayaa tilmaamay in madaxweynaha JFS uu ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...