Golaha Wasiirrada oo loo soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa su’aallo ka weydiiyey guddiga isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...