𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Date:

-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Maxamed Xassan Maxamed Bulaale, ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed muhiim ah oo looga hadlayay Qorshaha Caafimaadka Qaranka Dooda oo lagu qabtay Isbitaalka Ordogan ex-Digfeee waxaana ka soo qaybgalay khubaro caafimaad, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka socda ururada aan dowliga ahayn.

Wasika ayaa doodda ka jeediyay hadal diiradda saaraya muhiimadda Qorshaha Caafimaadka Qaranka gaar ahaan sidii loo hubin lahaa helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh iyada oo la hirgelinayo caymis caafimaad oo guud Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshuhu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada caafimaadka meelaha fogfog iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa ka hortagga cudurrada.

Doodda ayaa isku keentay khubaro caafimaad iyo wakiillo ka socda hay’ado badan oo iska kaashaday falanqeynta caqabadaha haysta nidaamka caafimaadka dalka sida kheyraadka oo kooban, baahida loo qabo shaqaale caafimaad oo ku filan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda, ururada aan dowliga ahayn iyo bulshada rayidka ah.

Wasiir Bulaale ayaa ugu dambeyn ku boorriyay bulshada iyo hay’adaha kala duwan inay iska kaashadaan hirgelinta qorshahan isaga oo adkeeyay in wadajir lagu dhisi karo nidaam caafimaad oo horumarsan. Isaga oo gunaanadaya ayuu yiri Wadajir, waxaan ku dhisi karnaa qaran caafimaad leh ayadoona Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’antahay inay horumariso caafimaadka dhammaan muwaadiniinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo tababar usoo xirtay howl-wadeenno Caafimaad

Wasiir dowlaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumaadda Federaalka...

Heshiis Iskaashi oo dhexmaray Wasaaradda Shaqada iyo Hay’adda Qatar Charity

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo...

Soomaaliya iyo Masar oo Saxiixday Heshiisyo Muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Wasiirka Qoyska oo Golaha Wasiirrada ugu mahadcelisay Cusboonaysiinta Guddiga NQ

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka...