Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Date:

Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toos uga qeyb qaadanaya howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka oo saldhig ka sameystay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xogga General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay muhiimadda xiligan u leedahay in Baydhabo soo gaaraan Diyaaradaha ciidanka Cirka, kuwaas oo uu sheegay inay door muuqda ka qaadan doonaan soo afjaridda khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa halkaasi.

“ Waxeenna waan ilaa-shaneynaa diyaaradahan waa kuwa muhiim inoo ah xiligan marka laga eego dhanka cirka, tani waxay inoo tahay maanta farxad aan la soo koobi karin, isagoo bogaadiyey Madaxda Qaranka dadaallada dib loogu dhisayo ciidanka Cirka oo uu sheegay inay muhiim gaar ah u yihiin xiligan oo Tiknoolajiddu gaartay meel casri ah” ayuu yiri Taliye Xasan Baydhabo.

Dhanka kale madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey diyaaradaha magaalada Baydhabo soo gaaray, iyagoo sheegay tan iyo 1991-dii kadib maanta Ciidanka Xoogga dalka heleen diyaaradahan muhiimka u ah howlgalka khawaarijta ka dhanka ah ee ka socda dalka.

Dhankooda Askarta ayaa la qiirooday inay arkaan qeybta 60-aad ee Xoogga dalka oo saldhigooda soo caga-dhigteen diyaarado u gaar ah Xoogga Dalka, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim ah, una baahnaayeen inay helaan diyaaradaha noocan ah si dhanka cirka uga qeyb-qaataan la dagaalanka khawaarijta.

Diyaaradaha Ciidanka Cirka ayaa dhawaan bilaabay inay la howlgalaan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb muhiim ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...