Wasiirka Gaadiidka XFS oo shirka Amniga ee ICAO ee ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan Cigall iyo Wafdi ay hogagaminayso oo ka qayb galaya shirka Todobaadlaha ah ee Amniga ee ICAO oo ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, ayaa inta uu shirku socday waxay kulan doceed la yeelatay, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Saldanada Cumaan, H.E. Eng. Hamood Saciid Al Mawaali.

Waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka, Walaalnimo ee ka dhaxeeya Somaaliya iyo Cumaan ee dhanka Gaadiidka iyo Duulista hawada, iyo dhameystirka heshiiska Hawada Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo diiradda lagu saaray abuurista fursado cusub oo dhanka ganacsiga, dalxiiska iyo maalgashiga ah.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo xidhiidh adag oo ka dhexeeya labada Wadan. Wasiir Fardowsa ayaa iftiimisay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ma ahan oo keliya gaadiidka iyo duulista ee sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, dekedaha, iyo meelaha kale ee faa’iidada u leh labada dhinac.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Feraalka Soomaaliya, ayaa u fidisay Casuumad, H.E. Eng. Al Mawaali WAsiirka Gaadiidka Ee Dalka Cumaan inuu bishan gudaheeda ku soo booqdo Soomaaliya, taasoo uu si wanaagasan u aqbalay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray fursadaha iskaashiga farsamo ee dhinacyada muhiimka ah ee duulista rayidka, oo ay ku jiraan dhisidda awoodda, amniga duulista, badqabka iyo adeegyada duulista hawada.

 

Ugu dambayn Wasiir Fardowsa ayaa aad ugu mahad-naqday Saldanadda Cumaan sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen iyada iyo Wafdiga ay hogaaminayso ee ka qaybgalka xafladda toddobaadka ammaanka ee ICAO, iyaga oo hoosta ka xarriiqay labada Masuul muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay horumarinta amniga duulista hawada adduunka. Ka-qaybgalkaani waxa uu astaan ​​u yahay tallaabo kale oo loo qaaday dhanka xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kobcinta iskaashi faa’iido leh oo dhexmara Soomaaliya iyo Cumaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...