Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo boggaadiyay natiijada shirkii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaax Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka,  ayaa sheegay in heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara uu ahaa mid wax ku ool ah,isla markaana meesha ka saaray wax kasta oo khilaaf ah oo u dhaxeeyay labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada shaqeyn doonaan hannaan cusub oo wada ogol ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee dunida,isla markaana horay u sii riixaya danaha labada shacab iyo labada dal.

Mudane Salaax Jaamac ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ku tilmaamay mid guul ah oo wax u taraya labada dal iyo labada shacab,isagoo intaa raaciyay in mustaqbalka heshiiskaan uu keenayo in loo guuro jawi cusub oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha Dalka Turkiye oo dadaal u galay isu soo dhaweynta labada dal iyo sidii loo gaari lahaa heshiis miro dhal ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya u horseeda in ay horay u wataan horumaradooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...