Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka kobaad ee dalka oo kormeeray Wasaaradda Beeraha XFS

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama, ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradaha Beeraha, Waraabka iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo booqday Xarumaha Wasaaradaha, ayaa kulan la qaatay Wasiirrada iyo howl wadeennada kala duwan, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha socda iyo dardargalinta adeegyada ay bulshada u hayaan, waxaa kale oo kormeer ku sameeyay shaybaarro casri ah oo loo diyaariyey beeralleyda Soomaaliyeed si loo dhiirrigaliyo wax-soo saarka dalka, loona horumariyo nidaamyada waraabka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda,ayaa qireen howsha baaxada leh oo sheybaarkaan uu dalka u haayo waxa ayna ballan qaadeen sidii loo horumarin lahaa sheybaarka si adeegyo intaan ka badan loogu qabto

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...