Guddoomiye ku-xigeenka SODMA oo boggaadiyay Shirweynaha Cilmibaarista  

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka-SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa bogaadiyay Shirweynaha Cilmibaarista Soomaaliyeed ee sannadkiisa 11aad.

Shirweynahan ayaa noqday madal muhiim ah oo loogu talagalay in la isku xiro aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha, iyo dowladda si loo dhiirrigeliyo cilmi-baarista iyo horumarka Soomaaliya.

Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa xusay in shirweynahan uu fursad u yahay in la isweydaarsado aqoon iyo aragtiyo cusub oo ku saabsan maareynta musiiboyinka iyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka gargaarka iyo ka hortagga musiiboyinka.

Wuxuu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha inay sii wadaan cilmi-baarista iyo horumarinta xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha ka jira dalka, gaar ahaan xaaladaha musiiboyinka dabiiciga ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo fikrado cusub oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, maamulka iyo bulshada, iyadoo si gaar ah loo soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhinacyada maareynta musiiboyinka, iyadoo la rajeynayo in laga dhigo mid ka qayb qaata nabad-gelyada iyo horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...