Agaasimaha guud ee Socdaalka oo faray Saraakiisha inay fududeeyaan bixinta Baasaboorada 

Date:

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Ahmed Said Mohamed oo manta kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha ka howlgasha xafiiska Baasaboor bixinta ee xarunta shaqaalaha, ayaa faray saraakiisha in la dar dargeliyo howlaha Baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga Baasaboor bixinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa faray saraakiisha in la ilaaliyo habraacyadda shaqada xooggana la saaro hufnaanta iyo isla xisaabtanka howlaha shaqo. Waxa uuna sidoo kale ku booriyay in la ilaaliyo kala dambaynta, anshaxa iyo shaqo wanaaga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa ka go’an in ay bixiso adeeg bulsho oo wax ku ool ah iyadoo la isticmaalayo tiknoolijiyada casriga ah si loo fududeeyo habka casri ah ee adeeg bixinta oo la jaanqaadayo adduunyada kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...