Xubnaha labada Aqal ee BJFS oo ka qeygalay aaska Marxuum Senator Maxamed Cali (Gaagaab) 

Date:

Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka ka qeybgalay tukashada salaatul janaasa oo loo sameeyay allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhowaan ku geeriyooday Dalka Turkiye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Mudane Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatul janaasada kadib ayaa yiri ”Senoter Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan’

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadlay ayaa yiri “Senoter Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.

Dhammaan xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Ilaah uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa,iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxa uu xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...