NISA oo howlgal qorshaysan ka fulisay duleedka tuulada Jambaluul oo hoos tagta degmada Afgooye

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay duleedka tuulada Jambaluul oo hoos tagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan, oo dhacay xalay oo ay taariikhdu ku beegneed 4-ta December, 2024, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro ilaa afar xubnood oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, waxa ayna magacyadoodu kala yihiin:-

1-Macallin Nuur, oo Khawaarijta u qaabilsanaa marin habaabinta dhallinyarada deegaanka.

2-Liibaan, oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah.

3-Cali Yare, oo ahaa xubin ka tirsan Maleeshiyaadka waxa ay ugu yeeraan Xisbada.

4- Bilaal, oo isna ka tirsanaa Maleshiyaadka Xisbada.

Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dhaawacay Kuusow iyo Caddow oo iyagana ka tirsanaa Maleeshiyaadka waxa ay ku magacaabaan Xisbada.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaa markasta ka go’an in goob kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta. Hadaba, waxaa lagu wargalinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...