Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Dowladda Shiinaha 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo H.E. Wang Yu, Chinese Ambassador, ayaa is weedaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta Saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka sidoo kale kala wareegey Safiirka Xirmooyin gar gaarka deg degga ah oo loogu talagaley xaaladaha deg degga ah.

Safiirka ayaana Sheegey in Dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto qeybta Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Dalalka horumaray si loo xaqiijiyo yoolka Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadan Caafimaad tayo leh oo dhamaystiran kaas oo laga hirgelliyo dhamaan Gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...