Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha haweenka nabadda IGAD (IWPSF)

Date:

Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Urur Gobaleedka IGAD (IWPSF).

Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Urur Gobaleedka IGAD (IWPSF).

Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaalka wadajirka ah ee kooxda hoggaanka cusub, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka Ms. Amer Manyok Deng oo ka soo jeeda dalka Kuufurta Suudaan iyo Xoghayaha Hon. Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

Urur Gobaleedka IGAD iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo Amniga iyo Nabbadda Gobolka, gaar ahaa dalka Sudan, kooxadan ayaa ka shaqeynaysa horumarinta ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga ee Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...