Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha, ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...