Dowladda FS oo dhallinyaro 161 ah ka soo saartay xabsidayad Liibiya

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).

Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay, ayaa 74 kamid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa balka 87 ay gaareen Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen. Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Barnaamijkan Dib u soo celinta, ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u aheyd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.

Dhanka kale Mudane Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay iskudubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.

Barnaamijka,ayaa wuxuu muujinayaa iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah waxayna ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen bulshadadooda Qeybna uga qaadan lahaayeen Dib udhiska Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Wasiir Daa’uud Aweys’’ Shacabka haka fogaadaan goobaha ay joogaan Khawaarijta,’’

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyees ugu baaqday in ay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA LA-TALIYENIMO KA QAADAY MAXAMED XASAN IBRAAHIN (QOONE)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo lagu naafeeyay Qawaarijta

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay...