Xisbullah oo Israel la beegsatay tiro aad u badan oo gantaallo ah

Date:

Khasaarooyin isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen caasimadda Tel Aviv iyo deegaanno kale, kadib markii Xisbullah ay Israel ku tuurtay 340 gantaal.

Hezbollah ayaa sheegtay in 340 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsatay gudaha Israa’iil oo ay ku jirto caasimadda, sida laga soo xigtay wararka laga helayo ciidamada Israel.

khasaarooyin ba’an ayaa lagu waramayaa in ay soo gaartay Magaalada Tel Aviv,waxaana la soo gudbiyay dhaawacal 11 qof ,halka illaa hadda aan la ogeyn tirada dhimashada rasmiga ah.

Weerarrada cirka Israa’iil ee caasimadda Lubnaan ayaa sii socda, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada Lubnaan ay joojisay dugsiyada Beirut ilaa laga gaarayo bisha Janaayo ee soo socota.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro cusub ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, maalin kaddib weerar ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 12 shaqaale caafimaad oo uu ku jiray agaasimaha xarunta la go’doomiyay.

Illaa hadda dadka Gaza waxaa soo gaaray dhimashada 44,211 iyo dhaawaca 104,567,halka Israel ay Lubnaan ka geysteen dhimashada 3,754 iyo dhaawaca 15,626.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...