Soomaaliya oo Ku Biirtay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ka Dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Soomaaliya ku biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC) iyo heshiisyadiisa kale.

Talaabadan taariikhiga ah waxay xoojineysaa dadaalka Soomaaliya ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo ammaanka caalamiga ah.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin , iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashi Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Talaabadan muhiimka ah waxay muujineysa horumarka weyn oo ee laga gaaray dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada nabadda iyo xasilloonida adduunka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay sii wadaysaa dadaalka lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee maamulka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga xooggan ee ay la leedahay beesha caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...