In kabadan 28 Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madakaskar

Date:

-Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay doonyo siday in kabadan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali oo ku qalibmay wadanka Madakaskar.

Mudane Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa labo ay saarnayeen dad gaarayo 70-qof, waxaa ku dhintay in kabadan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeyn,Kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay wadanka Madakaskar.

Safiir Warfaa ayaa intaas hadalkiisa ku daray in safaardda ay waddo qorsha ah in dadkaa inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa,isagoo sheegay in si dhaw loola socon doono dadka qaba dhaawacayda ee hadda gacanta ku heyso dowladda Madakaskar

Ugu dambeynta Safiirka ayaa waxa uu tacsi u diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaalo lagu ogaanayo halka laga soo kaxeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...