Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb qaatay kulanka tacsida ee loogu duceynayay Marxuum Siilaanyo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb qaatay kulan tacsiyeed oo loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay shaqsiyadda marxuumka, isaga oo ku tilmaamay qof dulqaad badan, kaalin weynna ka qaatay horumarka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka iyo hogaaminta marxuumka ay mudan yihiin in lagu daydo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, dadka reer Somaliland, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad ay tacsi u dhigeen, una duceeyeen madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray: “Qofka wanaagiisa waxaa la eegaa marka uu dhinto iyo inta qof ee janaasadiisa soo raacdo, oo u tacsiyadeysa,”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorashooyinka ka dhacay Somaliland, isaga oo sheegay inay muujinayaan biseyl siyaasadeed, isla markaana rajeynaya in doorashooyin la mid ah laga qabto meel kasta oo ay Soomaali joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...