Wasiirka Beeraha XFS oo soo bandhigtay Cagaf-cagafyo loogu talagalay Beeralayda Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye, oo ka hadlay soo bandhigidda gawaaridaasi cagaf-cagafta ah, ayaa sheegay in qalabkaan uu qeyb ka yahay dadaal ay waddo dowladda federaalka ah ee lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa qiray in ka Wasaaradda ahaan ay ka go’an tahay in dib loo soo nooleeyoo wax soo saarka beeraha si ayuu yiri loo gaaro isku filnaan xagga cuntada ah.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye, waxa uu xusay in gawaaridaan cagaf-cagafta ah lagu wareejin doono Heyadda Onod oo qaabilsan taageeridda beeraleyda,gaar ahaan qodidda iyo habeynta dhulka logu talagalay wax beeridda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya waxay xoogga saareysaa sidii sare loogu qaadi lahaa dhiirigalinta beeraleyda, iyadoo lala kaashanaayo hey’adaha caalamiga ah ee qaramada midooobay iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...