Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Siilaanyo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamul dhiska, nabadeynta, iyo dimuquraadiyeynta Gobollada Waqooyi ee Somaliland, burburkii kadib, isaga oo kaalin hormuud ah ku lahaa billowgii wada xaajoodkii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...