Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay

Date:

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta KGS ee degmada Qasaxdheere ayaa howlgal ay ka fuliyeen tuulada Weel-manaas oo 15km u jirta degmada Qansaxdheere ku diley 6 maleeshiyo uu kamid yahay horjooge sare.

Horjoogaha la khaarajiyay ayaa Khawaariijta u qaabilsanaa cunaqabateyna shacabka Qansaxdheere iyo deegaannada hoostaga Nuur Keerow Xaydar iyo Sheegow Aadan Macalin oo Khawaariijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah iyo xoolaha.

Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaarijta waxaa loogu furtay saanad ciidan iyo 3 mooto kuwa Faykonta loo yaqaanno oo Khawaariijta dhaxda ugu gali jireen dadka shacabka ah.

Dhanka kale Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu Burburiyey goobo ay ku dhuumanayeen Khawaarijta waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan howlgalkaan hoggaaminayey Taliye ku xiggeenka Guutada 7-aad, G/dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye “Foo Foo”.

Ciidanka inta ay wadeen howlgalka ayaa qarxiyey Miinooyin Khawaarijta ay u dhigeen dadka Shacabka ah, iyadoo wali halkaas wali ka socdaan baacsiga Khawaarijta halkaas ku sugan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...