𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya HE Dr. Ali Haji Adam ayaa shir guddoomiyey Kulan muhiim ah oo dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuumta Caafimaadka iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka oo ahaa mid muhim ah ayaa diiradda lagu saaray soo dhaweynta iyo horumarinta Barnaamijka Layliga Caafimaadka ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka, si loo hubiyo tayada iyo waxtarka barnaamijkan.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa Layliga Caafimaadka ee Ardayda dhameysatay waxbarashada Caafimaadka, iyada oo la xaqiijinayo in tayada barnaamijkan la waafajiyo heerarka caalamiga ah, waxaana lagu heshiiyay in la taageero oo la horumariyo barnaamijka Layliga, si Ardaydu u helaan tababar tayo leh oo dhammaystiran, sidoo kalena waxaa lagu balamay in wada tashiyada la joogteeyo si loo hubiyo in barnaamijku ku socdo sidii loogu talagalay, isla markaana la xalliyo caqabadaha jira.

Gabagabadii, kulankan ayaa kusoo idlaaday luul, iyada oo la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Jaamacadaha iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana la isla qaatay in shirarka noocan oo kale ah la badiyo si loo sii wado horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...