Wasiirka Caafimaadka oo bogaadiyay adeegyada uu siiyo Bulshada Isbitaalka De-Martino

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden oo caawa ka qeyb galey Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano iyo Daah furka Hanaanka casriga ah ee xogta iyo Ololaha Kobcinta daryeel bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Demartino.

Munaasabadda oo aheyd mid heerkeedu sarreeyey waxaa kasoo qeyb galey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Bullaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Agaasimayaal, Siyaasiin, Dhaqaatiir, Aqoon yahan iyo marti Sharaf kale.

Munaasanadda ayaa lagu soo bandhigey howlaha muhiimka ah ee uu u qabtey bulsho waynta Soomaaliyeed Isbitaalka Demartiino iyo kaalinka lama ilaabaanka ah ee uu kaga jiro adeegga danta guud iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed, waxaana sidoo kaley intaasi bar bar socdey Daahfurka Hanaanka casriga ah ee xogta iyo Olalaha Kobcinta daryeel bixinta Caafimaad oo iyaduna ah qodob muhiim ah islamarkaana ahaan baahi wayn oo taagan maadama maalinba maalinta ka dambeysa uu sii kobcayo hanaankeena Caafimaadka.

Madaxda iyo marti Sharafkii kasoo qeyb galey Munaasbadda, ayaa bogaadiyey dadaalada uu Isbitaalka Demartiino u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed, waxa ayna sidoo kale u riyaaqeen in la daah furo hanaanka casriyeysan ee xogta iyo Ololah kobcimta daryeel bixinta Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maamulka iyo shaqaalada Isbitaalka Demartiinu ku amaaney doorka muhiimka ah ee ay ku lee yihiin qeybta Caafimaadka gaar ahaan bixinta adeegga Caafimaadka taasoo muujineysa in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markasta diyaar u btahay sidii bulsho weynta Soomaalyeed u heli la haayeen adeeg Caafimaad oo dhamaystiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...