Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay hadii Hal Milyan oo Soomaali ah ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca ay tahay tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha,

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara, ayaa intaasi ku daray si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan dadka barakacayasha ah, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka loo baahan yahay in xal waara loo helo.

“Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha, si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barakaca daba dheeraaday uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dalka soo wajahaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay sababaan arrimo dabiici ah iyo kuwo bini’aadan.

Isaga oo tixraacaya saameynta isdaba jooga ah ee abaaraha, fatahaadaha, xagjirnimada rabshadaha wata iyo colaadaha, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xusay in arrimahan ay sabab u yihiin barakaca dadka, taas oo keentay in dowladda ay mudnaanta siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada uu khuseeyo lagala soo tashaday, waxa uuna uga mahadceliyey hey’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee taageerada joogtada ah ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Qorshaha Qaran ee xalka waara ee dhibaatooyinka barakacayaasha Soomaaliya, oo loogu magac daray “National Durable Solutions Pathways Action Plan.”, ayaa xoojinaya dadaalka ay dowladdu ku doonayso in ay wax kaga qabato dhibaatada sii kordheysa ee barakaca gudaha Soomaaliya, iyada oo barnaamijka xalka waara uu dib-u-dejin dhammeystiran u sameynayo hal milyan oo barakacayaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...