Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay Geerida Siteey Maxamed Nuur 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Siteey Maxamed Nuur (MA NOOGTO) oo ka mid aheyd Fanaaniinta Qaranka ee Hoballada Waaberi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Siteey Maxamed Nuur (Ma Noogto) waxa ay muddo dheer ka tirsaneyd Hobollada Qaranka Waaberi ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo kaalin muuqata ka soo qaadatey wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya.

Waxan Allah uga baryeeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...