Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyay Geerida Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto)

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed geeridii xanuunka badnayd ee ku timid Alle ha u naxariistee, Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Qaranka Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha wuxuu xusay in Marxuumaddu ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka (Falkaloorka) dadkeedana usoo adeegatey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado, door lama illaawaan ah ka soo qaadatay nabadda iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Marxuumaddu waxa ay kaalin lama illaawaan ah ku lahayd in magaca iyo fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeedna laga daawado isla markaana laga xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey inuu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...