Madaxweyne Xasan Sheekh Oo booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkaan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...