Madaxweyne Xasan Sheekh “Horay ayaan dalkaan Madaxweyne uga soo noqday kursigana iskuma dhajin.”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay mas’uuliyiin kala duwan ee Dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada in ay u istaagaan ka shaqeynta horumarka dalka, isagoo dhanka kale, carabka ku adkeeyay in uusan diyaar u ahayn muddo kororsi oo doorashada waqtigeeda ay ku qaban doonaan.

“Horay ayaan dalkaan Madaxweyne uga soo noqday kursigana iskuma dhajin haatana diyaar uma ihi muddo kororsi, xaqna uma lihi in aan iska joogo.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay inaan yareyno shakiga iyo cabsida ka muujineyno xaalada dalka, islamarkaana qof kasta uu ka shaqeeyo sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo horumarka la gaaray.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khudbaddii jimcaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha Dimuquraadiyeynta iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, DDib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane...