Xukuumadda DanQaran oo Nus Milyan lacag ah ugu deeqday Shacabkii ku waxyeeloobay Xeebta Liido

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.

Golaha, ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Raโ€™iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtaan, ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkii bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.

Waxaana ay kala yihiin:

1. Ibraahim Cumar Sheegow โ€“ Safiir

2. Sheekhnuur Maxamed Xasan โ€“ Safiir

3. Jaamac Xasan Khaliif โ€“ Safiir

4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi โ€“ Safiir

5. Fardowsa Maxamed Qanyare โ€“ Safiir

6. Faysal Axmed Salaad โ€“ Safiir

7. Abiib Muuse Faarax โ€“ Safiir

8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi โ€“ Safiir

9. Ilyaas Cali Xasan โ€“ Safiir

10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed โ€“ Safiir

11. Maxamed Abuukar Zubeer โ€“ Safiir

12. Cabdinuur Daahir Fiidow โ€“ Safiir

13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) โ€“ Qunsul Guud

14. Cabdikariin Axmed Maxamed โ€“ Qunsul Guud

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...