Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidanka Booliska

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar usoo xirey qaar ka mid ah ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasilinta caasimadda.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasilinta caasimadda ayaa waxa uu Wasiirku ku bogaadiyay dedaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...