Golaha Shacabka oo Ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa tobanaad,waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 143-xildhibaan waxaa ugu horeyn shir guddoonka kulanka uu xildhibaanadda u sheegay in guddoonka uu haayo mooshin ama soo jeedin ay xildhibaano golaha ka tirsan u gudbiyeen,kaasoo ujeedkiisu yahay ku daris qodobo muhiim ah xeerka shaqada Soomaaliya,waxaana mooshinka golaha u akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaadiid oo ka tirsan xildhibaanka mooshinka saxiixay.

intaasi ka dib soo jeedinta xildhibaanadda ayaa mooshinka lagu daray,waxaana xildhibaanadda golaha shacabka ay cod u qaadeen hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya,waxaana ogolaatay 138-xildhibaan,afar xildhibaan ayaa diiday halka hal xildhibaanna uu ka aamusay sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay guddiga hindise sharciyeedka maanta la ansixiyay kasoo shaqeeyay iyo xildhibaanadda golaha shacabka ee maanta ansixiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...