Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo daah-furay Shirka Wasiirada Maaliyadda HF iyo HDG

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan, ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka Wasiirada Dowlad-Goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta Maaliyadda iyo wadashaqeynta guud.

Shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda heer federal iyo heer D.Goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo, Waxaa kulankaan ka maqan oo aan ka soo qayb galin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...