Kolanka Hormarinta qorshaha istaraatiijiyadda iyo siyaasada shaybaarka qaranka 

Date:

Waxaa Magaalada Nairobi ka Furmay Kulanka Horumarinta Qorashaha Istaraatiijiyadda iyo Siyaasada Shaybaarka Qaranka oo ay Taageereyso Xarunta Xakamaynta iyo ka hortaga Cudurada Afrika (AFRICA CDC).

Kulanka oo socon doona Maalmaha soo socda ayaa waxaa ka qayb galaya Khubarada Caafimaadka iyo howl wadeenada Shaybaarka Qaranka Iyo sheybaarada maamul goboleedyada iyadoo la uruurin doono afkaarta khubarada ka qayb qaadanya Qorridaa Istaraatiijiyadan we isaga kala yimid dalalka Afrika si loo helo Istaraatiijiyad Qayaxan oo uu ku Howl-galo Shaybaarka Qaranka.

Agaasimaha shaybaarka Qaranka Dr. Mohamed Abdullahi oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa Xarunta Xakamaynta iyo ka hortaga Cudurada Afrika (AFRICA CDC) uga Mahad Naqay taageeradooda Horumarinta Istaraatiijiyada Shaybaarka Qaranka isagoo sheegay inay jidka u Xaarayso in Dalkeenu yessho Shaybaar Qaran oo daboola Baahiyaha dalka iyo Gobolka Geeska Afrika.

Kulanka Waxa Sido Kale Kaso Qayb Galaya Dr Mazyanga, oo ah Agaasime Goboleedka Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortaga Cudurada ee Afrika (AFRICA CDC) iyo Qubaro ka kala yimid Qaarada Afrika ku Taqasusay Horumarinta Istaraatiijiyadaha Shaybaarada.

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Machadkeeda Caafimaadka Qaranka Waxa u siyaasad cad ka leeyahay Horumarinta Qaybaha kala Gedisan ee Caafimaadka dalka iyadoo Xooga la Saarayo in Shaybaarka Qaranka uu noqdo Mid la Jaanqaada Shaybaarada Qaarada Afrika iyo Caalamka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...