Taliye Sulub”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Ahmed Firin oo la hadlay qaar kamid ah ciidanka iyo ururada bulshada oo loo qabtay tababar aqoon kororsi ah, ayaa sheegay in ciidanka ay yihiin kuwo u adeega bulshada,isla markaana qeyb ka kuwa ku howlan danaha guud ee dalka.

“Ciidanka waa qeyb ka ah bulshada,sidaa aawadeed,dadku waa in ay noqdaan qeyb kamid ah xalka kuwa sugaya amniga dalka”ayuu yiri Mudane Suluib.

Taluyaha Ciidanka Boliiska ayaa kula dardaarmay ciidanka iyo bulshada in ay isku xirmaan oo ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo soo celinta amniga.

Kulanka taliyaha ayaa ahaa mid la xiriiray dhiirigalinta qaar kamid ah ciidanka boliiska iyo ururo bulsho oo loo tababarayo habka ugu wanaagsan ee loo heli karo xiriir wada shaqeyneyd oo dhexmara dhinacyadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...