Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Qabatay Munaasabadda Xuska maalinta Naas Nuujinta 

Date:

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa furtay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaardda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka, Xildhibaano, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Culamaa,udiin, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Xuskan todobaadka, ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan caruurtooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.

Dr. Maryama Wasiir Dowlaha Wasaaradda ayaa xoojisay muhiimada ololahaan iyadoona sheegtay in kaliya seddaxdii caruur ee Soomaaliyeed midkood uu helo naas-nuujin lixda-da bilood ee ugu horeesa noloshooda waxayna dib-u-dhac wayn ku tahay noloshooda hadana lagaaray waqtigii isbeddelku imaan lahaa.

Ugu danbayn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa tiri hooyo cunugaagu uma baahna waxa aan ahayn naaskaaga oo baraxtiran lixda bilood ee ugu horeysa noloshiisa waana mid uu ilaahay ugu tala galay oo wuu ku filanyahay ee aan u hiilino ilmahayna.

Halku dhigga Sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS ayaa ah “TAAGEER KOR U QAADIDDA NAAS-NUUJINTA, SI ILMA WALBA OO SOOMAALIYEED UU U HELO NAS NUUJIN KU FILAN”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...