Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo sidoo kole Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Mohamed, ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay wakiilka hey’adda Qaxootiga aduunka (UNHC) ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar-galin lahaa taageerada Qaxootiga, Barakacyaasha iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoona gudoomiyaha hay’adda NCRI marwa Safiya ay xustay in dowladda Soomaaliya Mas’uuliyad gaar ah iska saartay garab istaagga dadka Nugul.

Kulanka ayaa sidoo kole looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Dedaallada xalka-waara loogu abuuraayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...