Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo sidoo kole Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Mohamed, ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay wakiilka hey’adda Qaxootiga aduunka (UNHC) ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar-galin lahaa taageerada Qaxootiga, Barakacyaasha iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoona gudoomiyaha hay’adda NCRI marwa Safiya ay xustay in dowladda Soomaaliya Mas’uuliyad gaar ah iska saartay garab istaagga dadka Nugul.

Kulanka ayaa sidoo kole looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Dedaallada xalka-waara loogu abuuraayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...