Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay Geerida Agaasimihii hore Ee SONNA 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Agaasimihii hore ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Marxuum Maxamed Isaaq Mursal oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Mursal waxa uu mudo dheer ka mid ahaa hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya isaga oo xilal kala duwanna kasoo qabtay waxaana uu waqti badan ahaa Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Qoraal ay daabacday wasaaradda ayaa lagu yiri: “Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii uu ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin”

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...