Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Bulshada Bariga Afrika 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...