Guddiga Joogtada ah oo Ansixiyay Ajandaha kulamada guud ee Golaha BJFS ee toddobaadka soo socda

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Intaasi kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada toddobaadkii 3-aad ee kalfadhiga 5-aad, waxaana kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee Golaha toddobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Sidoo kale Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada Goluhu uu siinayo in shuruucda Golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee Golaha toddobaadka soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...