Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa furay tababarkan oo ay ka qeyb galayaan 35 xubnood oo ka mid ah Madax qeybaha Warbaahinta Qaranka, Waaxyaha Wasaaradda iyo hawlwadeeno.

Aqoon isweydaarsigani waxaa uu diiradda saarayaa la qabsiga Warbaahinta Qaranka ee casriyaynta warbaahinta iyo Horumarinta hannaanka Tafaftirka iyo Hoggaaminta wadashaqeynta kooxo hawleedyada shaqada.

Tababarka waxaa uu soconayaa muddo saddax maalmood ah, waxaana macalimiinta bixinaya ka mid ah Danjire Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ah siyaasi iyo saxafi rug caddaa ah iyo Macalimiin oo ay wasaaradda u soo xushay.

Furitaanka tababarka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada iyo Agaasimaha Istiraatiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda oo wadajir u soo qaban qaabiyay aqoon isweydaarsigan.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa sheegay in ujeedka tababarkani yahay xoojinta aqoonta iyo xirfadda madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada la soo xulay oo qibrad u leh shaqada Wasaaradda iyo qeybaha Warbaahinta, waxaana uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan qabiirada iyo Macalimiinta ay Wasaaradda u soo xushay fududeynta aqoon isweydaarsigaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...