Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa furay tababarkan oo ay ka qeyb galayaan 35 xubnood oo ka mid ah Madax qeybaha Warbaahinta Qaranka, Waaxyaha Wasaaradda iyo hawlwadeeno.

Aqoon isweydaarsigani waxaa uu diiradda saarayaa la qabsiga Warbaahinta Qaranka ee casriyaynta warbaahinta iyo Horumarinta hannaanka Tafaftirka iyo Hoggaaminta wadashaqeynta kooxo hawleedyada shaqada.

Tababarka waxaa uu soconayaa muddo saddax maalmood ah, waxaana macalimiinta bixinaya ka mid ah Danjire Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ah siyaasi iyo saxafi rug caddaa ah iyo Macalimiin oo ay wasaaradda u soo xushay.

Furitaanka tababarka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada iyo Agaasimaha Istiraatiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda oo wadajir u soo qaban qaabiyay aqoon isweydaarsigan.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa sheegay in ujeedka tababarkani yahay xoojinta aqoonta iyo xirfadda madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada la soo xulay oo qibrad u leh shaqada Wasaaradda iyo qeybaha Warbaahinta, waxaana uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan qabiirada iyo Macalimiinta ay Wasaaradda u soo xushay fududeynta aqoon isweydaarsigaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...