Marxuum Jawaari oo Muqdisho Aas Qaran loogu sameyn doono

Date:

Guddiga Aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka Iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa in maanta oo Sabti ah Aas Qaran magaalada Muqdisho loogu sameynay Marxuum Maxamed Sh Cusmaan Jawaari, ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka

Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari

mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari.

Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota:

Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo, waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka.

Salaada janaasadda waxaa marxuumka lagu dukan doonaa 12:30 duhurnimo waana masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galaya madaxda qaranka , culimaa’udiinka , qoyska marxuumka ,xubnaha Golaha Baarlamaanka ,wasiiradda,bulshada rayidka Iyo qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ,

Aaska Qaran waxa uu dhacayaa 1:00 duhurnimo waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha Sheekh Suufi ,waxaana ka qeyb geli doona culimaa’udiinka, qoyska marxuumka,guddiga aaska Qaran Iyo dad kooban.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Waxaanu illaahey uga baryaynaa Inuu u naxariisto Janatul Fardowsana ugu deeqo Marxuum Jawaari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...