Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay safiirka Maraykanka

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka FS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Safiirka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilaada uu u sameeyay,isaga oo sheegay Inuu ku faraxsanahay in Soomaaliya loo soo magacaabo islamarkaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ugu horeyn safiirka ku soo dhoweeyey Soomaaliya ayaa waxa uu warbixin kooban ka siiyay horumarada Kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneysa oo ay ka mid yihiin Amniga,dhaqaalaha Iyo ciribtirka Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...